HAWOOYINKA GREENHOUSES GASES-KA
HORDHAC
Dhulka aynu ku noollahay wuxuu leeyahay hawo sidii buste ugu
wareegsan, taas oo lagu magacaabay ‘ATMOSFEER’. Atmosfeerku kaalin wayn ayuu ka
qaataa hab-sami u socodka cimilada dhulka; sidaa darteed waa miisaan uu Ilaahay
SW ugu tala-galay in ay nololi ka suurta-gasho dhulka guudkiisa.
Atmosfeerku waxaa uu celiyaa kala bar kulka iyo ilayska (radiation)
dhulka uga imanaya qorraxda si uu tamar
(energy) ku filan u helo. Deedna dhulku; inta uu u baahan yahay mooyee inta
dheeriga ah ayuu dib ugu celiyaa atmosfeerka (long wave radiation); waana kulka
aan dareenno had iyo jeer. kolkaas atmosfeerku kulkii ka imanayay dhulka kala
barna hawada sare (space) ayuu u sii tuuraa, barka kalena dhulka qudhiisa ayuu
dib ugu celiyaa; halkaasna waxaaa ka dhasha isu dheelli-tirnaanta cimilada. Waa
nidaam Rabbaani ah oo miisaaman; Ilaahayna ku ilaaliyay heerkulka dhulka oo
celcelis ahaan qarniyaal badan ku sugnaa 140C, islamarkaasna
atmosfeerka la’aantiis uu qabowgu ka badnaan kari lahaa celcelis ahaan -190C.
Mahaddaasna waxaa Kaligiis Iska Leh Allaha Awoodda iyo Xikmadda Badan Leh.
GREENHOUSE - GHGs
Atmosfeerku waxaa uu ka kooban yahay hawooyin qoyaaan iyo
qallaylba leh, waxaana ugu badan labada hawo ee kala ah: Nitrogen – 78%, iyo
Oxygen – 21%, labadooduna isbeddelka cimilada amba heerkulka dhulka wax saamayn
ah kuma lahan.
Waxa sida xooggan u saameeya heerkulka waa hawooyinka loo
yaqaan Greenhouse Gases GHG oo ayagu leh moolikullo (molecule)qallafsan oo
kulka qabsan kara, islamarkaasna dhulka dib ugu celin kara; saamayntaasna waa
midda loo yaqaan ‘Greenhouse Gas Effect’ .
Uumi-biyoodka H20 oo ah cunsurka ugu badan
greenhouse gases-ka, ayaa leh saamaynta ugu badan, nasiib wanaagna waa cunsur
uusan bani-aadamku saamayn badan ku yeelan Karin badnaanshihiisa uu ku badan
yahay atmosfeerka, yacni bani-aadamku xaddi badan oo biyo ah oo ka muuqan kara
atmosfeerka ma uumi bixin karo.
Kaalinta labaad waxaa ku jira CARBON DIOXIDE CO2
(Kaarboon 2 Ogsayd), kaalinta saddexaadna METHANE CH4, waxaa kaloo
la xaqiijinayaa in ay ayaguna jiraan: NITROUS OXIDE N2O, TROPOSPHERIC
– OZONE, CLOROFLOUROCARBONS CFCs, CLOROFLOUROCARBONS – HCFCs, iyo HYDROFLOUROCARBONS – HFCs.
Waxaa xusid mudan in tan iyo xilligii kacaankii warshadaha;
uu bani-aadamku saamayn weyn ku yeeshay kororka hawooyinkani ay ku sii
kordhayaan ama ay ku sii badanayaan atmosfeerka, sidaa darteedna; hadduu
Ilaahay SW Idmo; Bogga Wacyi-gelinta Isbeddelka Cimiladu wuxuu isku dayi doonaa
in uu si gaar ah oo kooban qoraal uga sameeyo saamaynta bani-aadamka leeyahyay
isbeddelka cimilada.
1.
CARBON DIOXIDE – CO2:
Hawadani aad ayay muhiim ugu tahay
nolosha noolaha oo idil iyo deegaankaba. Waxay qayb weyn ka qaadataa
hab-neefsiga noolaha iyo dhirta, qaraxa folkaanaha, iyo hawooyinka/dabaylaha
badweynada. Waxaa la qiyaasaa in tan iyo 1750kii uu CO2 atmosfeerka
ku kordhay 40%, wuxuuna ku sugnaan karaa boqolaal ilaa kumanyaal sano. Waa hawada ugu xooggan (64%) xagga saamaynta
isbeddelka cimilada oo ; islamarkaana kala-bar xaddigeeda waxaa sabab u ah
bani-aadamka.
2.
METHANE - CH4:
Methane waxay kuxigtaa CO2 xagga
saamaynta (18%). Hawadani sida caadiga ah waxay ka dhalataa dhulka meelaha
qoyan, beera-falidda, macdan qodidda iyo sidoo kale qiiqa gaadiidka. Tan iyo
1750kii waxaa lagu qiyaasaa in ay hawadani atmosfeerka ku siyaadday 150%,
waxayna ku sugnaan kartaa ilaa iyo dhawr iyo toban sano. Saamaynta aadamaha ee
hawadanna waxaa lagu qiyaasaa ilaa 60%.
3.
NITROUS OXIDE - N2O:
Hawadani 6% ayay uga qayb-qaadataa saamaynta isbeddelka cimilada.Falidda beeraha
iyo bacriminta organnada noolaha, gubidda shidaalka sida warshadaha iyo
gaadiidka, iyo weliba siyaabo kale ayay caadi ahaan hawadani ku soo baxdaa. Tan
iyo 1750kiina waxay ku korortay atmosfeerka ilaa 20%, halkaas oo ay ku sugnaan
karto boqol sano in ka badan. 40% bani-aadamka ayaa sabab u ah kororkeeda.
4.
TROPOSPHERIC – OZONE
(03): Hawadani waa mid aad khatar u ah, ka qayb qaadata isbeddelka
cimilada, islamarkaasna halis ku ah neefsiga noolaha. Waxay hawadani ka
dhalataa fa-gallada kiimikada ah, warshadaha iyo dhamaan matoorada guba
shidaalka.
5.
CLOROFLUOROCARBONS –
CFCs, CLOROFLUOROCARBONS – HCFCs,
PERFLUOROCAR BONS – PFCs, SULFUR HEXAFLUORIDE - SFs iyo HYDROFLUOROCARBONS
– HFCs: Hawooyinkan oo loo inta badan loogu
magac-daro ‘F-gases’ (Fluorinated Gases); waxaa loo adeegsadaa hawlo kala duwan
sida: qaboojinta, dab-deminta, buufinta cayayaanka iwm. Hawooyinkani waxay
atmosfeerka ku kala sugnaan karaan kumannaan sano.
AbdulAziiz Hagi Bashiir
ikhyaar33@gmail.com
ikhyaar33@gmail.com
No comments:
Post a Comment