30 July 2016

TAARIIKH KOOBAN / Isbeddelka Cimilada

TAARIIKH KOOBAN / Isbeddelka Cimilada
Aragtida ku aaddan isbeddelka cimilada adduunka; taariikh ahaan waxay soo martay marxalado kala geddisan. Ma ahayn wax mar qura iska shaacay, cilmi mar kaliya la daah-furay ama tijaabooyin iska fudfududaa oo muddo kooban lagu ogaaday.
Waxay ahayd 1824kii kolkii ugu horraysay oo saynisyahannada ku xeeldheer cimiladu ay dareemaan xawliga isbeddelka cimilada oo sii kordhayay sanadba sanadka ka dambeeya; isla markaasna waxaa xilliyadii ugu horreeyay bilawday hadal haynta ‘ISBEDDELKA CIMILADA’ iyo aafooyinka ka dhalan kara.


Dadaallo badan iyo cilmi baarisyo dheeri ah ayaa deedna lagu xaqiijiyay sanadku markuu ahaa 1861 in CO2 iyo H2O ( Kaarboon 2 Ogsayd iyo Uumi-biyood) ay qayb ka yihiin walxaha sababa isbeddelka cimilada. Isla qarnigaasu intuusan dhammaanna waxaa kaloo cilmi ahaan loo ogaaday in ay Atmosfeerka dhulkeennu ay ku sii badanayaan hawooyin xaddi badan oo ka mid ahi uu bani-aadamku sababtooda leeyahay. Hawooyinkaasu waxaa loogu magac-daray Greenhouse Gases (GHG) waxayna caan ku noqdeen xannibaadda ama horjoogsiga kala-bar kulkii iyo tamartii Dhulku uu dib isaga celiyay; taas oo keentay in uu heer-kulkii Dhulka oo qarniyaal ku sugnaa xaalad caadi ah uu sare u sii kaco.
1938dii waxa ay saynisyahannadu ogaadeen in cunsurka CO2 uu yahay kan ugu daran hawooyinka GHG-ka uuna gaarsiiyay heer-kulka dunida (Global Temperature) 20C wax ku dhow.
Ilaa iyo 1970meeyadiina waxaa soo shaac baxayay cunsurro kale oo ka mid ah hawooyinka GHG-ka ee atmosfeerka ku sii badanaya. Sidoo kalena waxaa guul noqotay dejinta hab-cilmiyeedyo lagu cabbiro xaddiga, cufka iyo weliba muddada ay hawooyinkaasu atmosfeerka ku sugnaan karaan. Bogga Wacyi Gelinta Isbeddelka Cimiladu wuxuu soo diyaarin doonaa mawduuc gaar ah oo ku saabsan hawooyinka GHG-ka iyo saamaynta bani-aadamkaba haddii uu Eebbaha Awoodda Lihi Oggolaado.
Cilmi baarisyada iyo xaqiijintii isbeddelka cimilada dunida oo aad isu soo taraysay; ayaa waxaa ay gaartay heer aan la dhayalsan Karin, indhahana laga qarsan Karin. Waxaa si dhab ah loo ogaaday in ay tahay mushkilad weyn oo asiibi karta dal walba iyo degaan walba, ha ahaado hodan ama ha ka mid ahaado dalalka loogu yeero ‘Dunida Saddexaad’. Dunida oo sii kululaataa waxay keentaa biyo yaraan, cunto yaraan, abaaro, kulayl iyo qabow xad-dhaaf ah, duufaanno, nabaad-guur, qax, dagaallo iyo musiibooyin kale; sidaa darteedna dalalka dunidu waa ay garwaaqsadeen; waxaana shirkii ugu horeeyay oo heer dawli ah loogana hadlayay isbeddelka cimilada lagu qabtay Geneva sanadkii 1979kii.


1988dii waxaa la aasaasay hay’adda caalamiga ah ee IPCC (Intergovernmental Panel on Climate Change). Ururkan oo ay shaqadiisu tahay cilmi baaris iyo diyaarinta war-bixinno ku aaddan isbeddelka cimilada ayaa waxaa ku bahoobay ilaa 194 dawladood, wuxuuna war-bixintiisii ugu horreeyay soo saaray sanadkii 1990.
Wixii dhiig lahow kaca haddii ay noqotayna; waxaa Qaramada Midoobay lagaga dhawaaqay urur-weyne u qaabilsan isbeddelka cimilada dunida sanadku markuu ahaa 1992. Ururkaas waxa ay summaddiisu tahay UNFCCC (United Nations Framework Convention on Climate Change). Intaas ka dib; ilaa iyo shirkii Paris 2015 ee looga arrinsanayay isbeddelka cimilada dunida, ma ayan yaran shirarkii, go’aammadii iyo ballan-qaadyadii la soo maray.
Waxaa kullammo kala gaddisan lagu kala qabtay Newyork 1990, Kyoto 1997, Bali 2007, Copenhagen 2009, Caucun 2010, Durban 2011, Doha 2012, Warsow 2013, iyo meelo kaleba. Muhimmadda ugu weyn oo baadi-goobka loogu jiro waa in la helo nidaam la isku wada raacsan yahay oo lagu xakamayn karo qiiqa iyo hawooyinka bani-aadamku sida xad-dhaafka ah ugu sii daynayo atmosfeerka si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara iyo musiibooyinka ay sababi karaan, in la helo biyo iyo cunto dadka iyo duunyadaba ku filan, in lala qabsado isbeddelka cimilada, in weliba goobaha ay musiibooyinku ka dhacaan gurmadyo ka hortag iyo ka kabashaba leh lala garab istaago , iyo in weliba waddamada horey u maray ay dhaqaale iyo tababbarraba ugu deeqaan waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo.


Ugu dambayntiina; waxaa shir-weynihii aadka loogu hanka weynaa ee lagu qabtay Paris Dec 2015 ka soo baxay qodobbo la oran karo waa wax ku ool haddii si daacad ah ay dhammaan dawladuhu isugu xilqaamaan fulintooda. Aragtidayda; qodobbadaas waxaa ugu muhiimsanaa isla qaadashada yaranta qiiqa iyo hawooyinka kharribaya cimilada si heer-kulka cimiladu uga yaraado 20C (oo uusan dhaafin 1.5 Degrees C).
Intaas ayaan ku soo koobaynaa waanna idiinka mahad celinaynaa akhristayaasha iyo dhammaan bahda boggan BOGGA WACYI GELINTA ISBEDDELKA CIMILIDA. Taladiinna iyo faalladiinuba waa muhiim.
Mahadsanidin.

AbdulAziiz Haji Bashiir
ikhyaar33@gmail.com

28 July 2016

BIYAHA



BIYAHA IYO FAA’IIDOOYINKOODA
Waa maxay biyo?
Biyuhu waa maaddo dareere ah islamarkaasna aan lahayn midab, dhadhan iyo urtoona. Biyuhu waxay kaloo noqdaan adke (solid) sida barafka iyo hawo (gas) sida uumi-biyoodka; waxayna ka samaysan yihiin molikuullo Haydrojiin (Hydrogen) iyo Oksijiin (Oxygen) ah.


Dhulka aynu ku noollahay (Earth) 71% waa biyo, kuwaas oo 97% ku sugan bad-weynada (Oceans); inta kale oo gaaraysa 3% waxaa laga helaa harooyinka (Lakes), webiyada, daruuraha biyaha xambaarsan, ceelasha, biyo qabatinnada dhulka hoostiisa (Aquifers), dhul-barafeedka iwm. Waxaana la caddeeyaa in 1% ay yihiin biyaha nooluhu heli karo si uu u daboolo baahidiisa isticmaalka biyaha.  Taas macnaheeda tusaale ahaan waxaa loo dhigi karaa sidan; haddii biyaha dhulka joogaa ay gaarayaan 100 litir; inta ku habboon (fresh water) isticmaalka noolaha kama badna qaaddo barkeed!!! Halkaas waxaan ka fahmi karnaa baahida loo qabo biyo inta ay le’eg tahay iyadoo biyaha arlada joogaa ay laba jibaar ka badan yihiin berriga.
Biyo Yaraanta Dunida
Biyo yaraan macnaheedu waa in meel laga waayo biyo ku filan baahida noolaha ku nool goobtaas. Taasna waxaa inta badan sababa:
v  Baahida loo qabo biyaha oo kororta ( too much demand); taas oo ay ugu wacan tahay kororka tirade dadka, kororka magaalooyinka, kororka wax-soo-saarka beeraha iyo warshadaha iwm
v  Iyo biyo ku filan baahidaas (not enough supply) oo aan oollin goobta; taasna ay ugu wacan tahay roob yaraan, abaaro, iyo ceelashii oo gura (wells run dry)
  
Baahida Biyaha Loo Qabo
Biyuhu nolosheenna muhiim ayay u yihiin; la’aantoodna nololi suurtagal ma ahan; waayo jirka bani-aadamka 75% waa biyo.
Haddaba si aan u ogaanno muhimmadda ay biyuhu inoo leeyihiin waxaan xusaynaa dhawr qodob oo muujinaya sababta biyaha ka dhigtay muhiim. Biyuhu waxaa ay jirka u qabtaan shaqooyinkan:
  • v  Qaboojinta jirka iyo dheellitirka heerkulka jirka gaar ahaan xilliga shaqada
  • v  Caawinta wareegga dhiigga (blood circulation)
  • v  Qoynta isgoysyada jirka (joints) si ay u fududaato habsami u socodka hawlaha jirka
  • v  Taageeridda habka dheef-shiidka (digestive)
  • v  Gudbinta nafaqada (nutrients) iyo Oksijiinta jirku u baahan yahay
  • v  Saaridda wasakhda, sunta iwm, iyo taageeridda mindhicirrada
Haddaba biyo la’aani waxa ay sababi kartaa  in gabi ahaanba shaqadii jirku ay istaagto. Sidaa darteedna waa in uu qofku maalin walbaa cabbo 6 ilaa 8  litir oo biyo ah si uu  u wanaagsanaado caafimaadkiisu. Biyo yaraantu ama cabbiddooda oo la yaraystaa dhibaatooyinka ay keeni karto waxaa ka mid ah caloosha oo adkaata (constipation), jirka oo qallala (dehydration), kaadida oo yaraata, muruqyada oo tabardarreeya, madax xanuun, wareer iwm.
Faa’iidooyinka Cabitaanka Biyaha




Lama koobi karo faa’iidooyinka biyuhu inoo leeyihiin waayo Ilaahay Subxaanahu Wa Tacaalaa ayaaba noolaha dhammaantiis ka abuuray biyo. Sidaa darteedna waa muhiim in biyaha si fiican loo cabbo si uu u hagaago caafimaadka qofku.
Haddaba qofkii caadaysta cabbitaanka biyaha waxaa uu helaa faa’iidooyin ay ka mid yihiin:

  • Muuqaal wanaagga jirkiisa

  •  Kororka tamarta (energy) jirkiisa

  • Xaddididda miisaankiisa (weight control)

  • Ka hortagga cudurrada iyo xoojinta habka difaaca jirkiisa (immune system)

  •  Iyo fayoobidda guud ahaan jirkiisa

Dhaqaalaynta Biyaha
Haddaba iyadoo ay biyuhu inagu yar yihiin, islamarkaasna kororka tirada dadka iyo horumarkuba ay sababaan baahi badan oo loo qabo isticmaalka biyaha; waxaa lagama maarmaan ah in biyaha la dhaqaaleeyo mar walba iyo meel walba.
Dadka dhaqaale ahaan ladan ayaa la sheegaa in ay biyaha six ad-dhaaf ah u isticmaalaan, taas oo la sheego in halkii qoys biyaha ay isticmaalaan ay ku filnaan karaan tobannaan qoys oo danyar ah. Meelaha ugu badan oo biyuhu ku dayacmaan islamarkaasna aan loo aabba-yeelin waxaa ugu horreeya guryaha; halkaas oo lagu isticmaalo in ka badan baahidii loo qabay biyaha. Sidoo kale waxaa biyo badan lagu khasaariyaa inta badan wax-soo-saarka beeraha, waraabinta jardiinooyinka (gardens) iyo weliba dhaqidda gawaarida.
Haddaba biyaha oo la dhaqaaleeyaa waxaa ku sugan faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin:
  • Waxaa nagu filnaada biyaha
  • Waxaa naga yaraada biilasha biyaha waxaana noo baaqanaya lacag
  • Waxaa yaraada cayayaan badan oo ka dhalan lahaa biyaha
  • Waxaa kordha caafimaadka deegaanka
  • Waxaa noo baaqanaya biyo badan oo aan wax kale ku qabsan karno

AbdulAziiz Hagi Bashiir
ikhyaar33@gmail.com

20 July 2016

ATMOSFEERKA DHULKA IYO ISBEDDELKA CIMILADA



ATMOSFEERKA DHULKA

Ilaahay Subxaanahu Wa Tacaalaa Wuxuu Fadligiisa iyo Naxariistiisa Awgeed ku dahaara ama ku wareejiyay dhulka xaddi badan oo hawo kala duwan iyo daruuro ah; si aan u helno cimilo nolol u saaxiib ah. Atmosfeerka la'aantiis heer-kulka dhulku wuxuu qiyaas ahaan gaari lahaa 30' ayuu ka hoosayn lahaa sida uu hadda yahay; taas oo ah qabow aan lagu noolaan karin.... ALXAMDU LILLAAH.



Fallaaraha qorraxdu markay ka soo gudbaan atmosfeerka oo ay soo gaaraan dhulka; dhulkuna kulka iyo tamarta uu u baahan yahay mooyee inta kale dib ayuu isaga celiyaa, laakiin nasiib wanaag atmosfeerka ayaa isbaaro u dhigta oo kala barna cirka u tuuro, halka uu barka kale isla dhulka dib ugu soo celiyo kana caawiyo dhaulka inuu mar walba yeesho kul iyo tamar u dhiganta qabowga badan; sidaas ayuuna miisaan xikmadaysan Ilaahay horey noogu diyaariyay...ALXAMDULILLAAH.

Haddaba wan fahmi karnaa in ay daruuruhu dhulka kulka ka imanaya ku celiyaan oo xilliyada roobka da'ayo cirkuna daruur jiq la yahay aan dareeemayno kulayl badan, su'aashuna waxay tahay: maxaan kul badan u dareennaa marka aysan daruuro joogin cirka, waddankuna uusan ahayn mid cimilo kululi ku badan tahay? Waa su'aal aad u fiican.

Jawaabtana waxaan ka helaynaa waxa hadda loo yaqaan ISBEDDELKA CIMILADA. Cunsurrada hawada ah ee loo yaqaan Greenhouse Gases oo ay ka amid yihiin CO2, Methane, iwm aayaa ayaguna waxay awood u leeyihin fallaaraha kulka ee dhulka ka imanaya (Long-wave Radiation) in ay qabsadaan, kala bar cirka u diraan, barka kalena dhulka ku celiyaan. Taasuna waa sababta aan kul u dareenno xilli aysan daruuro joogin xataa habeen ha ahaatee. 

Haddaba waxaa welwelka keenaya waa hawooyinka greenhouse gas-ka oo atmosfeerka ku sii badanay falal uu bani-aadamku samaynayo awgeed, taasoo ay ugu badan tahay shidaalka sida siyaadada ah loo isticmaalayo oo loo gubayo. Kolka waxaan fahmi karnaa in haddii uu bani-aadamku tiro ahaan sii bato, shidaalka tamar ahaanta loo isticmaalayaana uu siii badan doono; islamarkaasna karboonkuna hawada ku sii badan doono taas oo sababi doonta kulayl badan oo aan annagu isu keennay ee uusan Ilaahay nagu jirrabin. Kolka waa xaqiiqo in Ilaahay uusan addoomadiisa dulmin ee ay ayagu is-dulmaan.

AbdulAziiz Hagi Bashiir
ikhyaar33@gmail.com

BANI-AADAMKA IYO ISBEDDELKA CIMILADA



BANI-AADAMKA IYO ISBEDDELKA CIMILADA

Khabiirro ku xeel-dheer culuumta sayniska iyo aqoon-yahanno kale oo fara-badan ayaa in ku dhow laba qarni la socday sare u kaca heer-kulka dunida iyo isbeddelka ku dhacay cimilada.  Waxay aad ugu mashquuleen sababaha keenay isbeddelkan xawliga ku socda oo halis ku ah guud ahaan nolosha noolaha iyo deegaankaba. Nasiibdarrose; waxay ogaadeen in ayan cimiladu iskeed isu beddelin ee uu bani-aadamku yahay cidda mas’uulka ka ah inta badan isbeddelka cimilada.
Bani-aadamku waa noole si aad u xeel-dheer una xikmad badan uu Ilaahay SW u abuuray. Waa noole caqli badan iyo hal-abuur mug-weyn lagu mannaystay oo isbeddel ka samayn kara deegaankiisa. Waa noole ay u suurta-gashay samaynta xadaarad, tadawur iyo horumar noole kale oo sameeyay amaba hindisay uusan jirin. Bani-aadamku Waxaa uu xoogga saaray helidda tamarta(energy) ugu habboon baahidiisa dhab walba oo nolosha ah, farsamada iyo qalabka ugu wanaagsan (technology); si uu uga faa’iidaysto khayraadka (resource) sida aadka ah u dihnaa ee dhulka aynu ku noollahay ceegaaga. 

Shidaalka ceeriin (fossil fuel)
Bani-aadamku waxaa uu baahi weyn u qabay tamar (energy ) si uu horumar uga sameeyo dhinacyo badan oo taabanaya nolosha iyo adeegyada bulshadaba; isla markaasna uu u kordhiyo wax-soo-saarka (production).  Dadaal badan, har iyo habeen hawl taagnayd, maskax iyo muruq aan lala kala harin; waxay aadamaha u suurta-galisay heliddii tamartii ugu wacnayd (aragtidooda) ee uu gu’yaal badan ku taamayay; taas oo noqotay shidaalka ceeriin ama batroolka (fossil fuel). Waxaa la sheegaa in ay tamartani tahay kaarboon ka samaysmay haraagii noolayaal iyo dhir beri hore dhimatay; kuna raagtay dhulka uurkiisa.


Teknoolojiyadda (Technology)
Bani-aadamku waxaa uu caqligiisa iyo hal-abuurkiisaba u adeegsaday horumarinta qalabka wax-soo-saarka si uu u kordhiyo tirada iyo tayada wax-soo-saarka(quatntity/quality). Waxaa bilawday warshado, gaadiid cir, dhul iyo badba leh, makiinado iyo qalab farabadan oo sanadba sanadka ka dambeeya la sii casriyeeyo. Wax soo saarka oo qura ma ahane, laan walba oo adeegyada bulshada kaalinteeda ka qaadataa; sida caafimaadka, wax-barashada, dhismaha, ciidamada, isgaarsiinta (communication) iwm, waxaa loo helay qalab casri ah oo fududeeya hawlaheeda. Taasuna waxay keentay in qalabkaas oo idili u baahan yahay tamar uu ku shaqeeyo, sidaa darteedna waxaa si aad ah u kordhay isticmaalka tamarta bani-aadamku u baahan yahay.
Dhibaatada Ka Dhalatay Isticmaalka Shidaalka
Sida aynu horeyba u soo sheegnay; shidaalka oo dhulka guntiisa laga soo saaro, ayaa waxaa ay aqoonyahannada ku xeel-dheeri caddeeyeen in uu yahay kaarboon ka samaysmay haraagii nooleyaal iyo dhir waa hore dhimatay. kolkala shidaalka tamar ahaan loo isticmaalo oo uu gubto waxaa hawada gala qiiq farabadan; kaas oo u badan hawada CO2. Hawadani aad ayay muhiim ugu tahay nolosha noolaha oo idil iyo deegaankaba; islamarkaasna waxay qayb weyn ka qaadataa hab-neefsiga noolaha iyo dhirta; berriga iyo badahaba.
Haddaba; isticmaalka xad-dhaafka ah ee shidaalka macnihiisu waa kororka xad-dhaafka ah ee CO2ka, taas oo aad uga badan baahidii loo qabay iyo intii isticmaalkiisa looga baahnaa. Dhibaatada cabsida keentayna waxay tahay; CO2ka oo ah hawo ka mid ah hawooyinka loo yaqaan Greenhouse Gases, marka ay atmosfeerka dhulka ku badato oo cuf yeelatana awoodi karta in ay xannibto tamarta iyo kulka (long wave radiation)uu Dhulku dib ugu celin jiray hawada sare; taasina ay sare u qaaddo heer-kulka guud ee Dhulka, taas oo ayaduna keenta kulayl siyaado ah, nabaad-guur, dabaylo/duufaanno, dhul-barafeedkii oo dhalaala, badihii oo kululaada joogga biyahooduna sare u kaco, xayawaan badan (dad, duunyo iyo cayayaanba) oo le’da, iyo baro-kac ka dhasha abaaro, biyo iyo cunto la’aanba.
Gabo-gabo
Kolka waxaan fahmi karnaa in haddii uu bani-aadamku tiro ahaan sii bato, shidaalka tamar ahaanta loo isticmaalayaana uu siii badan doono; islamarkaasna hawooyinka greenhouse gases-ku  hawada ku sii badan doonaan taas oo sababi doonta kulayl badan oo aan annagu isu keennay ee uusan Ilaahay nagu jirrabin. Waxaa ayaan-darro ah in caqligii badnaa iyo fariidnimadii uu Ilaahay SW bani-aadamka ku mannaystay ay halis ku noqoto bani-aadamku qudhiisa, xadaaraddiisa, horumarkiisa, inta la nool iyo deegaankiisaba. Kolka waa xaqiiqo in Ilaahay uusan addoomadiisa dulmin ee ay ayagu is-dulmaan.

AbdulAziiz Hagi Bashiir
ikhyaar33@gmail.com

Hawooyinka Greenhouse Gases



HAWOOYINKA GREENHOUSES GASES-KA

HORDHAC


Dhulka aynu ku noollahay wuxuu leeyahay hawo sidii buste ugu wareegsan, taas oo lagu magacaabay ‘ATMOSFEER’. Atmosfeerku kaalin wayn ayuu ka qaataa hab-sami u socodka cimilada dhulka; sidaa darteed waa miisaan uu Ilaahay SW ugu tala-galay in ay nololi ka suurta-gasho dhulka guudkiisa.
Atmosfeerku waxaa uu celiyaa kala bar kulka iyo ilayska (radiation) dhulka uga  imanaya qorraxda si uu tamar (energy) ku filan u helo. Deedna dhulku; inta uu u baahan yahay mooyee inta dheeriga ah ayuu dib ugu celiyaa atmosfeerka (long wave radiation); waana kulka aan dareenno had iyo jeer. kolkaas atmosfeerku kulkii ka imanayay dhulka kala barna hawada sare (space) ayuu u sii tuuraa, barka kalena dhulka qudhiisa ayuu dib ugu celiyaa; halkaasna waxaaa ka dhasha isu dheelli-tirnaanta cimilada. Waa nidaam Rabbaani ah oo miisaaman; Ilaahayna ku ilaaliyay heerkulka dhulka oo celcelis ahaan qarniyaal badan ku sugnaa 140C, islamarkaasna atmosfeerka la’aantiis uu qabowgu ka badnaan kari lahaa celcelis ahaan -190C. Mahaddaasna waxaa Kaligiis Iska Leh Allaha Awoodda iyo Xikmadda Badan Leh.

GREENHOUSE - GHGs       
                                                                                
Atmosfeerku waxaa uu ka kooban yahay hawooyin qoyaaan iyo qallaylba leh, waxaana ugu badan labada hawo ee kala ah: Nitrogen – 78%, iyo Oxygen – 21%, labadooduna isbeddelka cimilada amba heerkulka dhulka wax saamayn ah kuma lahan.
Waxa sida xooggan u saameeya heerkulka waa hawooyinka loo yaqaan Greenhouse Gases GHG oo ayagu leh moolikullo (molecule)qallafsan oo kulka qabsan kara, islamarkaasna dhulka dib ugu celin kara; saamayntaasna waa midda loo yaqaan ‘Greenhouse Gas Effect’ .
Uumi-biyoodka H20 oo ah cunsurka ugu badan greenhouse gases-ka, ayaa leh saamaynta ugu badan, nasiib wanaagna waa cunsur uusan bani-aadamku saamayn badan ku yeelan Karin badnaanshihiisa uu ku badan yahay atmosfeerka, yacni bani-aadamku xaddi badan oo biyo ah oo ka muuqan kara atmosfeerka ma uumi bixin karo.
Kaalinta labaad waxaa ku jira CARBON DIOXIDE CO2 (Kaarboon 2 Ogsayd), kaalinta saddexaadna METHANE CH4, waxaa kaloo la xaqiijinayaa in ay ayaguna jiraan: NITROUS OXIDE N2O, TROPOSPHERIC – OZONE, CLOROFLOUROCARBONS CFCs, CLOROFLOUROCARBONS – HCFCs, iyo HYDROFLOUROCARBONS – HFCs. 
Waxaa xusid mudan in tan iyo xilligii kacaankii warshadaha; uu bani-aadamku saamayn weyn ku yeeshay kororka hawooyinkani ay ku sii kordhayaan ama ay ku sii badanayaan atmosfeerka, sidaa darteedna; hadduu Ilaahay SW Idmo; Bogga Wacyi-gelinta Isbeddelka Cimiladu wuxuu isku dayi doonaa in uu si gaar ah oo kooban qoraal uga sameeyo saamaynta bani-aadamka leeyahyay isbeddelka cimilada.

1.       CARBON DIOXIDE – CO2:  Hawadani aad ayay muhiim ugu tahay nolosha noolaha oo idil iyo deegaankaba. Waxay qayb weyn ka qaadataa hab-neefsiga noolaha iyo dhirta, qaraxa folkaanaha, iyo hawooyinka/dabaylaha badweynada. Waxaa la qiyaasaa in tan iyo 1750kii uu CO2 atmosfeerka ku kordhay 40%, wuxuuna ku sugnaan karaa boqolaal ilaa kumanyaal sano. Waa  hawada ugu xooggan (64%) xagga saamaynta isbeddelka cimilada oo ; islamarkaana kala-bar xaddigeeda waxaa sabab u ah bani-aadamka.

2.       METHANE - CH4: Methane waxay kuxigtaa CO2  xagga saamaynta (18%). Hawadani sida caadiga ah waxay ka dhalataa dhulka meelaha qoyan, beera-falidda, macdan qodidda iyo sidoo kale qiiqa gaadiidka. Tan iyo 1750kii waxaa lagu qiyaasaa in ay hawadani atmosfeerka ku siyaadday 150%, waxayna ku sugnaan kartaa ilaa iyo dhawr iyo toban sano. Saamaynta aadamaha ee hawadanna waxaa lagu qiyaasaa ilaa 60%.

3.       NITROUS OXIDE - N2O: Hawadani 6% ayay uga qayb-qaadataa saamaynta isbeddelka cimilada.Falidda beeraha iyo bacriminta organnada noolaha, gubidda shidaalka sida warshadaha iyo gaadiidka, iyo weliba siyaabo kale ayay caadi ahaan hawadani ku soo baxdaa. Tan iyo 1750kiina waxay ku korortay atmosfeerka ilaa 20%, halkaas oo ay ku sugnaan karto boqol sano in ka badan. 40% bani-aadamka ayaa sabab u ah kororkeeda.

4.       TROPOSPHERIC – OZONE (03): Hawadani waa mid aad khatar u ah, ka qayb qaadata isbeddelka cimilada, islamarkaasna halis ku ah neefsiga noolaha. Waxay hawadani ka dhalataa fa-gallada kiimikada ah, warshadaha iyo dhamaan matoorada guba shidaalka.

5.       CLOROFLUOROCARBONS – CFCs, CLOROFLUOROCARBONS – HCFCs, PERFLUOROCAR BONS – PFCs, SULFUR HEXAFLUORIDE - SFs iyo HYDROFLUOROCARBONS – HFCs: Hawooyinkan oo loo inta badan loogu magac-daro ‘F-gases’ (Fluorinated Gases); waxaa loo adeegsadaa hawlo kala duwan sida: qaboojinta, dab-deminta, buufinta cayayaanka iwm. Hawooyinkani waxay atmosfeerka ku kala sugnaan karaan kumannaan sano.

AbdulAziiz Hagi Bashiir
ikhyaar33@gmail.com