20 July 2016

BANI-AADAMKA IYO ISBEDDELKA CIMILADA



BANI-AADAMKA IYO ISBEDDELKA CIMILADA

Khabiirro ku xeel-dheer culuumta sayniska iyo aqoon-yahanno kale oo fara-badan ayaa in ku dhow laba qarni la socday sare u kaca heer-kulka dunida iyo isbeddelka ku dhacay cimilada.  Waxay aad ugu mashquuleen sababaha keenay isbeddelkan xawliga ku socda oo halis ku ah guud ahaan nolosha noolaha iyo deegaankaba. Nasiibdarrose; waxay ogaadeen in ayan cimiladu iskeed isu beddelin ee uu bani-aadamku yahay cidda mas’uulka ka ah inta badan isbeddelka cimilada.
Bani-aadamku waa noole si aad u xeel-dheer una xikmad badan uu Ilaahay SW u abuuray. Waa noole caqli badan iyo hal-abuur mug-weyn lagu mannaystay oo isbeddel ka samayn kara deegaankiisa. Waa noole ay u suurta-gashay samaynta xadaarad, tadawur iyo horumar noole kale oo sameeyay amaba hindisay uusan jirin. Bani-aadamku Waxaa uu xoogga saaray helidda tamarta(energy) ugu habboon baahidiisa dhab walba oo nolosha ah, farsamada iyo qalabka ugu wanaagsan (technology); si uu uga faa’iidaysto khayraadka (resource) sida aadka ah u dihnaa ee dhulka aynu ku noollahay ceegaaga. 

Shidaalka ceeriin (fossil fuel)
Bani-aadamku waxaa uu baahi weyn u qabay tamar (energy ) si uu horumar uga sameeyo dhinacyo badan oo taabanaya nolosha iyo adeegyada bulshadaba; isla markaasna uu u kordhiyo wax-soo-saarka (production).  Dadaal badan, har iyo habeen hawl taagnayd, maskax iyo muruq aan lala kala harin; waxay aadamaha u suurta-galisay heliddii tamartii ugu wacnayd (aragtidooda) ee uu gu’yaal badan ku taamayay; taas oo noqotay shidaalka ceeriin ama batroolka (fossil fuel). Waxaa la sheegaa in ay tamartani tahay kaarboon ka samaysmay haraagii noolayaal iyo dhir beri hore dhimatay; kuna raagtay dhulka uurkiisa.


Teknoolojiyadda (Technology)
Bani-aadamku waxaa uu caqligiisa iyo hal-abuurkiisaba u adeegsaday horumarinta qalabka wax-soo-saarka si uu u kordhiyo tirada iyo tayada wax-soo-saarka(quatntity/quality). Waxaa bilawday warshado, gaadiid cir, dhul iyo badba leh, makiinado iyo qalab farabadan oo sanadba sanadka ka dambeeya la sii casriyeeyo. Wax soo saarka oo qura ma ahane, laan walba oo adeegyada bulshada kaalinteeda ka qaadataa; sida caafimaadka, wax-barashada, dhismaha, ciidamada, isgaarsiinta (communication) iwm, waxaa loo helay qalab casri ah oo fududeeya hawlaheeda. Taasuna waxay keentay in qalabkaas oo idili u baahan yahay tamar uu ku shaqeeyo, sidaa darteedna waxaa si aad ah u kordhay isticmaalka tamarta bani-aadamku u baahan yahay.
Dhibaatada Ka Dhalatay Isticmaalka Shidaalka
Sida aynu horeyba u soo sheegnay; shidaalka oo dhulka guntiisa laga soo saaro, ayaa waxaa ay aqoonyahannada ku xeel-dheeri caddeeyeen in uu yahay kaarboon ka samaysmay haraagii nooleyaal iyo dhir waa hore dhimatay. kolkala shidaalka tamar ahaan loo isticmaalo oo uu gubto waxaa hawada gala qiiq farabadan; kaas oo u badan hawada CO2. Hawadani aad ayay muhiim ugu tahay nolosha noolaha oo idil iyo deegaankaba; islamarkaasna waxay qayb weyn ka qaadataa hab-neefsiga noolaha iyo dhirta; berriga iyo badahaba.
Haddaba; isticmaalka xad-dhaafka ah ee shidaalka macnihiisu waa kororka xad-dhaafka ah ee CO2ka, taas oo aad uga badan baahidii loo qabay iyo intii isticmaalkiisa looga baahnaa. Dhibaatada cabsida keentayna waxay tahay; CO2ka oo ah hawo ka mid ah hawooyinka loo yaqaan Greenhouse Gases, marka ay atmosfeerka dhulka ku badato oo cuf yeelatana awoodi karta in ay xannibto tamarta iyo kulka (long wave radiation)uu Dhulku dib ugu celin jiray hawada sare; taasina ay sare u qaaddo heer-kulka guud ee Dhulka, taas oo ayaduna keenta kulayl siyaado ah, nabaad-guur, dabaylo/duufaanno, dhul-barafeedkii oo dhalaala, badihii oo kululaada joogga biyahooduna sare u kaco, xayawaan badan (dad, duunyo iyo cayayaanba) oo le’da, iyo baro-kac ka dhasha abaaro, biyo iyo cunto la’aanba.
Gabo-gabo
Kolka waxaan fahmi karnaa in haddii uu bani-aadamku tiro ahaan sii bato, shidaalka tamar ahaanta loo isticmaalayaana uu siii badan doono; islamarkaasna hawooyinka greenhouse gases-ku  hawada ku sii badan doonaan taas oo sababi doonta kulayl badan oo aan annagu isu keennay ee uusan Ilaahay nagu jirrabin. Waxaa ayaan-darro ah in caqligii badnaa iyo fariidnimadii uu Ilaahay SW bani-aadamka ku mannaystay ay halis ku noqoto bani-aadamku qudhiisa, xadaaraddiisa, horumarkiisa, inta la nool iyo deegaankiisaba. Kolka waa xaqiiqo in Ilaahay uusan addoomadiisa dulmin ee ay ayagu is-dulmaan.

AbdulAziiz Hagi Bashiir
ikhyaar33@gmail.com

No comments:

Post a Comment