CIMILADA



CIMILADA

Waa maxay “Cimilo”? Maxaase loola jeedaa “Isbeddelka Cimilada”?

Cimiladu waa xaaladda jawiga ama hawada meeli leedahay ay ku sugan tahay xilli go’an loogana hadlo inta badan qabowga, kulaylka, dabaylaha iyo xawligooda/xooggooda, roobabka iyo duufaannada, abaaraha iwm. Tusaale waxaa noo noqon kara oraahyadeenna caadiga ah sida: xalay qabow daran ayaa ka jiray Muqdisho, bishii Luulyo Bosaaso aad bay u kululayd iwm; taas oo muujinaysa sida ay ahayd cimiladu xilligaas. Waxaa sidoo kale laga hadlaa cimilada xilli iman doona taas oo loo yaqaan Saadaasha Hawada oo ah kaliya oddoros iyo saadaal ay sameeyaan aqoon-yahanno cimilada ku xeel-dheer. Isku soo duuboo Cimilada iyo Saadaasha Cimilada waxaa afka ingiriiska lagu tarjumi karaa Weather iyo Weather Forecast. Taasuna waa jawaabta su’aasheenna qaybteeda hore; haddana aan guda galno qayteeda dambe.

 
Waxay hay’adaha cimilada darsaa ururiyaan xogaha ku saabsan cimilada xilliyo iyo goobo kala duwan oo ku yaal dunida guudkeeda si loo ogaado Celceliska Cimilada dunida (Dhulka); taasuna waa macnaha uu xambaarsan yahay erayga afka ingiriisiga lagu yiraahdo Climate. Haddaba waxaa xusid mudan in daraasad badan oo hanti badani ay ku baxday, meelo kala duwanna laga sameeyay, isla markaana khubaro caalami ah oo kala duwani ay ka qayb qaateen; lagu ogaaday in Celceliska Cimilada dunidu uu si xawli ah isu bedbeddelayo, waana macnaha dhabta ah ee loola jeedo Isbeddelka Cimilada. Waxaana xusid mudan in ayna muhiim tahay in aan wada fahanno in isbeddelka cimilada ay qayla-dhaantu ka soo yeeraysaa uu ku saabsan yahay kororka heer kulka dunida (Dhulka) “Global Warming” kaas oo welibana xawli aan horey loo arag ku socda.

No comments:

Post a Comment