30 December 2023

Isku Soo Noqod Wanaagsan

Maqaalkan koobani waa salaan iyo isku soo noqod wacan ka dib ku dhawaad 6 sano oo aanan wax maqaal ah soo post-garaynin. Runtii aad ayaan uga mashquulay, waxaanna Eebbe SWT ka rajaynayaa in aan halkeygii ka sii wadi doono soo gudbinta maqaallo koo-kooban oo aan rajaynayo in ay bidhaamin doonaan arrimaha deegaanka, xaaladaha adag ee uu sababay isbeddelka cimiladu. Waxaan u mahadcelinayaa inta akhrisatay maqaalladaydii hore, inta Bi Idnillaahi akhrin doontaana aad ayaan u soo dhaweynayaa. 

Dhallinyarada si gaar ah waxaan ugu baraarujinayaa u feejignaanta dhibaatooyinka isbeddelka cimiladu ku hayo guud ahaan dunida, gaar ahaanna deegaannada dalkeenna, sidaas awgeedna ay lagama maarmaan tahay barashada culuumta deegaanka iyo weliba xiriirka taban ee kala dhexeeya isbeddelka cimilada. 

Ugu dambeyntii, waxaan sida blog-gan oo kale jeclahay in aan isku dayo sameyta blog kale oo ku falanqeyn doono kalluumeysiga iyo kheyraadka badda haddii uu Eebbe SWT ii Idmo. Blog-gaasu marka uu diyaar noqdo, ogeysiin ayay bartan ka heli doonaan akhrisatayaashu Inshaa Allaah.

Mahadsanidin,


Abdiaziz H B Ismali

ikhyaar33@gmail.com