06 February 2017

Saamaynta Isbeddelka Cimilada ee Abaaraha

ABAARAHA 2



Wax walbaa Qaddarta Ilaahay SW ayay ku yimaadaan, isla-markaasna wax walba Ilaahay SW sabab ayuu u yeelay. Isbeddelka cimiladu waa khatar jirta oo inta badan saynisyahannadu welwel xooggan ka muujiyeen; welibana khatartaas ay sababteeda bani-aadamka dusha uga tuureen…- Ilaahay SW addoomadiisa ma dulmiyee; addoomadu ayagaa naftooda dulmiya - .




Isbeddelka cimilada dunida oo inta badan loola jeedo sare u kaca heerkulka dunida ee xawliga ku socda; ayaa sababa aafooyin badan oo ka dhaca deegaanno kala duwan. Aafooyinkaas waxaa ka mid ah abaaraha!!! Haddaba waxaan maqaalkan ku eegaynaa sida isbeddelka cimiladu u saameeyo abaaraha.
Ugu horreyn si aan si fudud ugu fahanno; waa inaan dib u xasuusanno hawooyinkii Greenhouse-gaska iyo saameynta ay ku leeyihiin sare u kaca heerkulka dunida. Hawooyinkan oo atmosfeerka Dhulka ku sii badanaya qiiqa badan ee Dhulka ka tagay awgiis; ayna ugu sii daran tahay hawada kaarboonka “CO2”, ayaa xanniba in badan oo ka mid ah kulkii uu Dhulku dib hawada sare isaga tuuri lahaa (long wave radiation) si uu u yeesho heerkul miisaaman. Arrintaasu waa tan keentay in uu heerkulka Dhulku sare u kaco; haddii aan si kale u qorana – atmosfeerka oo ay ku sii badanayaan hawooyin Dhulka cabburin kara ayaa sababa inuu kulayka Dhulku sii bata sanadba sanadka ka dambeeya. Haddaba haddii uu kulaylku ka bato heerkii looga bartay, maxaa ka dhalan kara? Saamayn intee le’eg ayuu ku yeelan karaa noolaha iyo deegaankiisa ku xeeran?
Sare u kaca heerkulku wuxuu sababaa uumi bax xad-dhaaf ah oo ku yimaada badaha, webiyada, haraha, ceelasha, ilaha, baraagaha iwm. Sidoo kalena dhulka berriga ah iyo dhirta ku taalba ilaa xad ayuu engajiyaa/qallajiyaa. Wuxuu kaloo carrada/ciidda ka baabi’yaa nuxurkii iyo nafaqadii ay lahayd taasoo ka dhigta mid ay dabayshu si sahlan u bitiso/buubiso isla-markaasna aan u suubban wax-soo-saar beereed iyo mid daaqba. Intaas oo jirta haddii uu roobku soo daaho waan qiyaasi karnaa dhibaatada abaareed ee ka dhalan karta deegaankaas; waana sababta loo yiri isbeddelka cimiladu saamayn ayuu ku leeyahay abaaraha.  Waxaa intaas dheer oo xusid mudan in carradii dhimatay ayan inta badan ceshan Karin biyaha roobka, halkaas oo ay ka dhashaan daadad lixaad leh, deedna dhulkii uusan wax quman soo saari Karin.




Arrinta welwelka weyn lihi waa ayada oo dhibaatadu aysan dhirta iyo ciidda keliya ku ekaanaynin ee ay saamayn weyn ku yeelato dadkii beeralayda ama xoola-dhaqatada ahaa ee sida weyn ay noloshoodu ugu tiirsanayd beeraha iyo xoolaha. Tusaale ahaan kolka beeruhu wax-soo-saarka yareeyaan, xooluhuna le’daan, dadkuna wuu macaluulaa, harraadaa, xanuunsadaa, baro-kacaa; welibana marar la sheegaa dhimasho.




Dalkeenna Soomaaliya waa ka mid deegaannada abaaraha ba’ani soo food saaraan dunida; dhibaatooyin iyo khasaare naf iyo maalba lehna gayteen. Sidaa darteed waa lagama maarmaan annaga oo Ilaahay SW Qaddartiisa aaminsan in aan badinno Baryada Eebbeheen si uu inooga dul-qaado abaarta daran ee maanta ka jirta guud ahaan Soomaaliya. Deedna waa in aan wax ka baranno wixii na soo maray oo aan si cilmiyaysan u dhaqaalayno deegaannada uu Ilaahay SW nagu mannaystay.

Abdiaziz Haji Bashir Ismail
ikhyaar33@gmail.com

03 February 2017

ABAARAHA

ABAARAHA - 1

Abaari waxay dhacdaa kolka ay roob yaraantu baahdo, saameyn weynna ku yeelato biyaha helitaankooda, isla-markaana ay engajiso dhulkii daaqa iyo beerashadaba ku habboonaa oo ay ku xirnayd nolosha aasaasiga ah ee bulsho. Arrintanina saameyn daran ayay ku yeelan kartaa haddii ay bulshadu tahay mid aan horumarsanayn.

Muddada abaartu jiraysaa waa ay dheeraan kartaa, dhulka ay ka jirtaana wuu ballaarnaan karaa; taas oo sababi karta barakac iyo qax baahsan waayo dadka garaadkooda ayaa siinaya inay u qaxaan meel nolol dhaanta goobta ay abaartu ku habsatay.
War-bixin ay qortay Qaramada Midoobay ayaa lagu xusay in sanad walba dunida aan ku noollahay uu dhul baaxad ahaan le’eg dalka Ukrain; isla-markaasna carro-san ah uu halaagsamo oo boorku duulo abaar awgeed.
Abaaraha sii kordhaya soona noqnoqonaya waxaa ay ka mid yihiin dhibaatooyinka ka dhashay 
"ISBEDDELKA CIMILADA DUNIDA".

Ugu dambeyna; abaaraha waxaa ka dhasha dhibaatooyin ay ka mid yihiin:
·         -Biyo la’aan
·         -Cunto yaraan / gaajo
·         -Nafaqa-darro/caafimaad xumo
·        - Barakac/qax iyo deganaansho la’aan
·        - Barakac/qax xayawaan, shimbiro iyo cayayaanba
·        - Nabaad-guur
·         -Dabaylo boor wata

·         -Dagaallo / biyaha iyo baadka yar
jj    
f     Abdiaziz Hagi Bashir Ismail
      ikhyaar33@gmail.com




28 August 2016

TAMARTA MUSTAQBALKA (FUTURE ENERGY)


Dunida ayaa aad uga walwalsan baahida tamareed ee ku soo wajahan ayada oo tamarta ugu badan oo la isticmaalaa ay tahay shayidaalka (fossil fuel) laga soo saaro Dhulka. Tan iyo xilligii Kacaankii Warshadaha (Industrial Revolution) waxaa si weyn loo adeegsanayay shidaalka ceeriin oo laga helay dhulka guntiisa kaas oo in badan daboolay baahidii tamarta loo qabay, islamarkaasna suurta-geliyay horumar iyo farsamooyin (technology) casri ah oo fududeeyay adeegyadii dhaqaale, ciidan iyo bulshaba.
Hase ahaatee – nimco adduun laguma waaro -, - nimco welibaana niqmo (dhib) ayay leedahaye – isticmaalka shidaalka oo si xad-dhaaf ah loogu talax-tagay waxaa ka dhashay laba cilladood:
·         Dabar-go’ ama idlaasho (Shortage of Supply) soo wajahday shidaalka; sidaa darteedna uusan muddo dabadeed dabooli Karin baahidii tamarta loo qabo maaddaama tirada dadka dunida ku nooli ay sii kordhayso shidaalkuna sii dhammaanayo.
·         Isbeddel Cimilo (Climate Change) oo ka dhalatay qiiq badan ee atmosfeerka galay kaas oo sababay isbeddelka cimilada iyo sare u kaca heerkulka Dhulka.
Arrimahaas aan soo xusnay waxay dhaliyeen in ay dunida soo wajahdo mushkiladda isbeddelka cimilada iyo mushkiladda baahida sii kordhaysa ee loo qabo tamarta. Sidaa darteedna; waxaa lagama maarmaan noqotay in lagu fakaro helitaanka tamar joogto ah (sustainable energy), nadiif ah oo aan wasakhaynaynin deegaanka, islamarkaasna aan cimilada kharribaynin, hawadana aan  wasakhaynaynin (air pollution). Deedna cilmi baaris ay dawlado iyo  hay’ado madax bannaani in badan wadeen ayaa waxaa ka soo baxay ilo-tamareedyo (energy sources ) nadiif ah, had iyo jeer la heli karo (renewable energy), islamarkaana looga bixi karo baahida loo qabo tamar dunidu u isticmaasho adeegyada bulsho, deegaan iyo dhaqaaleba.
Ilo-tamareedyada mustaqbalka lagu guulaystay tijaabadooda waxaa ka mid ah:



         1. Tamarta ilayska Qorraxda (Solar Energy):

      Ilayska Qorraxda oo loo beddelo koronto ayaa noqday tamar lagu isticmaali karo guryaha, gaadiidka, meheradaha, hay’adaha, warshadaha iyo wax walba oo adeegsiga tamar u baahan. Qabashada ilayska Qorraxda iyo u beddelidda koronto midna ma sababo shanqar wax dhibta iyo wasakh aafaysa deegaanka iyo hawadaba (pollution). 

 

Xaddiga ilayska Qorraxda ee Dhulka soo gaara oo aad u badan islamarkaasna ah mid aan go’aynin ayaa ka dhigaya tamarta ilayska Qorraxda mid dabooli karta baahida tamareed ee walwalka laga qabo waayo inta uu adduunku jiro subax walbaa Qorraxi waa ay soo baxaysaa, subax walbana tamar cusub oo Ilaahay Mooyee aysan cid kale naga celin Karin ayaa nagu soo waabariisata.

2. TAMARTA DABAYSHA (WIND ENERGY):

Isticmaalka dabayshu ma ahan wax ku cusub bani-aadamka iyo adeegyada bulshooyinku u baahnaayeen qarniyo badan. Waxaa dabaylaha looga faa’iidaysan jiray safarrada badaha, soo saarista biyaha ceelasha, shiidista badarka, iyo waxyaalo kaleba. Hase ahaatee habka isticmaalka dabaysha ee waayahan dambe nagu cusubi waa dabayshii oo loo adeegsado dhalinta koronto.



Wareegga dabayshu xoog u wareejiso marwaxado waaweyn (turbines) oo badan ayaa waxaa laga dhaliyaa tamar koronto ahaan loo isticmaali karo, laguna kaydsan karo batariyaal si goor dambe loo adeegsado. Waa tamar nadiif ah oo aan waxba u dhimaynin noolaha, deegaanka iyo cimiladaba. Waa tamar joogto ah waayo dabaysha dunidu waa joogto, hayeeshee waa lagama maarmaan in lala socdo xoogga dabaysha iyo xawliga ay ku socotaba . 

3. TAMARTA BIYAHA SOCDA (HYDRO POWER): 



Xawliga biyuhu ku socdaan; gaar ahaan marka ay meel sare ka soo dhacayaan, oo loo dhigo marwaxado (turbines) ay wareejiyaan ayaa waxaa laga dhaliyaa koronto loo adeegsan karo adeegyada bulshada sida korontada magaalooyinka, warshada iwm. Inkastoo dhismaha biyo-xireenno loo isticmaalo koronto dhalin ay ku kacayso kharash aad u badan; haddana waxaa laga faa’iidaa koronto nadiif ah oo lagu beddelan karo isticmaalka shidaalka ama dhuxusha. 

 4. TAMARTA HAYDAROJIINTA (HYDRGEN ENERGY):

Haydarojiintu waa hawada ugu badan hawooyinka dunida, hase ahaatee inta badan ku dhex milan hawooyin iyo walxo kale sida biyaha (H2O), haydaro kaarboonnada, noolaha (xayaanka iyo dhirta) iyo walxo kaleba. Halkii moolikiyuul oo haydarojiin ahi waxaa uu ka kooban yahay laba atom, halkii atomna waxaa uu ka kooban yahay hal elekataroon(electron) iyo hal borotoon (proton). 
     Tamarta haydarojiinta waxaa koronto ahaan loogu isticmaali karaa gaadiidka, guryaha, xafiisyada, qalabka elektaroonigga ah, warshadaha iwm. Haydarojiintu ma lahan midab, ur iyo dhadhan toona waana hawo aad u fudud.
5. TAMARTA NIYUUKLEERKA (NUCLEAR ENERGY):

Tamarta niyuukleerku waa tamar laga dhaliyo atamka. Atamku waa qurubka ugu yar walaxda, oo ka kooban niyuutaroon (neutron) iyo borotoon (proton) isku dheggan. Haddaba inta la ogyahay waxaa koronto looga dhaliyaa tamarta niyuukleerka laba hab: 1. Neuclear Fusion / oo hab atammo badan  lagu isugu cadaadiyo oo atam weyn looga dhigo; halkaasna lagaga dhaliyo tamar loo rogi karo koronto. 2. Neuclear Fission / oo ah hab atammada lagu burburiyo oo loo sii kala jajabiyo atammo yaryar; islamarkaasna laga soo saaro tamar loo rogi karo koronto.
6. TAMARTA KULKA DHULKA / GEOTHERMAL:

Kulka qabowga Dhulka guntiisa ku sugan ayaa loo beddeli karaa koronto loo adeegsado tamar ahaan. Waxaa la qiyaasaa in Dhulka uurkii jiro ilaa afar kun oo maayl(4000 miles) halkaas oo heerkulkeeda lagu qiyaaso ilaa shan kun oo sentigarayd (5000 degree Centigrade). Kolka uu kulkaas darani soo gaaro lakabyada oogada Dhulka xiga ayay in badan oo dhagax ahi dhalaalaan, islamaarkaasna biyaha roobabka oo dhulka guntiisa galaa ay aad u kululaadaan gaaraanna heerkul aad u sarreeya. Haddaba waxaa koronto laga dhaliyaa biyahaasa kulul oo dhulka guntiisa ku kaydas.
Tamartani waa mid joogto ah, goobo kala duwan laga heli karo, dabooli karta baahida tamareed, islamar ahaantaasna aan wax badan aan u dhimaynin hawada iyo deegaankaba. Waxaa xusid mudan in goobaha laga dhisayo warshad dhalisa tamarta geothermal-ka in laga dheereeyo meelaha dhul-gariirku caanka ku yahay.
7. TAMARTA BAYOLOJIGA / BIOMASS:
Dhirta ayaa ahayd shidaalka ama tamarta uu bani-aadamku u adeegsan jiray baahida noloshiisa qarniyo badan; welina dad aad u badan ayay noloshoodu ku tiirsan tahay dhirta (dhuxul ahaan). Dhirta ayaa leh hab uu Ilaahay SW ugu talo galay in ay sahasho korintaankeeda iyo tarankeedaba, habkaas oo loo yaqaan habka footosintesiska (photosynthesis) ayay dhirtu ilayskii Qorraxda ugu beddeshaa tamar ay isticmaasho.
Haddaba bani-aadamka oo sameeyay tadawur dhan walba leh ayaa horumar ka sameeyay xagga dhalinta korontada ama tamarta (heat) ayadoo laga faa’iidaysanayo dhirta qallashay sida laamaheeda, jirriddeeda iwm; halkaas oo ay ku kaysanayd tamartii ilayska. Sidoo  kale dib tamar uga dhalinta haraaga ama wasakhda ah walxaha orgaanigga ah (wastes/manure, sewage, etc) ayaa ah hab ka mid ah hababkan tamar dhalinta ah.  
Habkan ayaa aad ugu habboon dhulka kaymuhu ku badan yihiin, waxaana ka faa’iidaysta dalalka dhirta iyo kaynta badan leh. Hirgelinta habkan (biomass energy) laga hirgeliyo meelo kale ayaa ku xiran beerista dhir badan, isticmaalka biyo badan, helitaanka dhul ballaaran taasuna waxay u muuqataa in ay hirgelintiisu u baahan tahay kharash aad u badan.
Si kastaba ha ahaatee waxaa la xaqiijiyay in taas beddelkeeda la helayo koronto daboosha baahida loo qabo tamar, aad uga jaban tamartii laga dhalin jiray isticmaalka shidaalka; islamarkaasna haddii si wacan loo maareeyo la baaqsan karo kaarboon badan oo hawada gala.

Gabagebo:

Intaas oo qura kuma koobno siyaabaha loo heli karo tamar nadiif ah oo uu bani-aadamku ku beddesho  shidaalka; islamarkaasna u yareeyo wasakhaynta deegaanka iyo atmosfeerkaba. Hase ahaatee waxaan u soo qaadannay siyaabaha kor ku xusan oo tamar laga dhigto koronto loo heli karo; waa ayagoo aad looga sameeyay horumar, deegaammo badanina ku liibaaneen kagana raysteen shidaalkkii qaaliga ahaa.
Haddii uu Ilaahay Idmo waxaan soo qaadan doonnaa maqaallo ku saabsan horumarka laga sameeyay koronto dhalinta hababka nadiifka ah.

Abdiaziz Haji Bashir Ismail
ikhyaar33@gmail.com

07 August 2016

WACYI GELIN 1

WACYI GELIN
Isbeddelka cimilada waxaa looga hortagi karaa midnimo uu muujiyo guud ahaan caalamku, isxilqaan uu dal walbaa qaato mas'uuliyaddiisa iyo dadka oo qof iyo qoys walbaa sida ugu macquulsan u isticmaalo tamarta (energy) uu Ilaahay nagu mannaystay.
Caalamku wa inuu isbeddelka cimilada u midoobo waayo dhibaatada ka dhalan kartaa cid gaar ah looma caleema saarin, sidaa darteedna waa in fikirkan guud ahaan la isla qaato.
Dawladuhuna si loo xaqiijiyo natiijooyin waara oo mira dhal noqda waa inay xaqiijiyaan fulinta heshiisyadii ku aaddanaa isbeddelka cimilada.
Dadkuna, qof iyo qoysba waa inay tamarta u isticmaalaan sida ugu macquulsan, tusaale ahaanna waa in guri walbaa inta joogtaa dhaqaalaysa biyaha, korontada, iyo weliba cuntada. Waxaan dani ku jirin in si israaf ah loo noolaado oo diinteennuna ma ammaanin waa diinteennu waa maslaxadda dunida oo idil.

30 July 2016

TAARIIKH KOOBAN / Isbeddelka Cimilada

TAARIIKH KOOBAN / Isbeddelka Cimilada
Aragtida ku aaddan isbeddelka cimilada adduunka; taariikh ahaan waxay soo martay marxalado kala geddisan. Ma ahayn wax mar qura iska shaacay, cilmi mar kaliya la daah-furay ama tijaabooyin iska fudfududaa oo muddo kooban lagu ogaaday.
Waxay ahayd 1824kii kolkii ugu horraysay oo saynisyahannada ku xeeldheer cimiladu ay dareemaan xawliga isbeddelka cimilada oo sii kordhayay sanadba sanadka ka dambeeya; isla markaasna waxaa xilliyadii ugu horreeyay bilawday hadal haynta ‘ISBEDDELKA CIMILADA’ iyo aafooyinka ka dhalan kara.


Dadaallo badan iyo cilmi baarisyo dheeri ah ayaa deedna lagu xaqiijiyay sanadku markuu ahaa 1861 in CO2 iyo H2O ( Kaarboon 2 Ogsayd iyo Uumi-biyood) ay qayb ka yihiin walxaha sababa isbeddelka cimilada. Isla qarnigaasu intuusan dhammaanna waxaa kaloo cilmi ahaan loo ogaaday in ay Atmosfeerka dhulkeennu ay ku sii badanayaan hawooyin xaddi badan oo ka mid ahi uu bani-aadamku sababtooda leeyahay. Hawooyinkaasu waxaa loogu magac-daray Greenhouse Gases (GHG) waxayna caan ku noqdeen xannibaadda ama horjoogsiga kala-bar kulkii iyo tamartii Dhulku uu dib isaga celiyay; taas oo keentay in uu heer-kulkii Dhulka oo qarniyaal ku sugnaa xaalad caadi ah uu sare u sii kaco.
1938dii waxa ay saynisyahannadu ogaadeen in cunsurka CO2 uu yahay kan ugu daran hawooyinka GHG-ka uuna gaarsiiyay heer-kulka dunida (Global Temperature) 20C wax ku dhow.
Ilaa iyo 1970meeyadiina waxaa soo shaac baxayay cunsurro kale oo ka mid ah hawooyinka GHG-ka ee atmosfeerka ku sii badanaya. Sidoo kalena waxaa guul noqotay dejinta hab-cilmiyeedyo lagu cabbiro xaddiga, cufka iyo weliba muddada ay hawooyinkaasu atmosfeerka ku sugnaan karaan. Bogga Wacyi Gelinta Isbeddelka Cimiladu wuxuu soo diyaarin doonaa mawduuc gaar ah oo ku saabsan hawooyinka GHG-ka iyo saamaynta bani-aadamkaba haddii uu Eebbaha Awoodda Lihi Oggolaado.
Cilmi baarisyada iyo xaqiijintii isbeddelka cimilada dunida oo aad isu soo taraysay; ayaa waxaa ay gaartay heer aan la dhayalsan Karin, indhahana laga qarsan Karin. Waxaa si dhab ah loo ogaaday in ay tahay mushkilad weyn oo asiibi karta dal walba iyo degaan walba, ha ahaado hodan ama ha ka mid ahaado dalalka loogu yeero ‘Dunida Saddexaad’. Dunida oo sii kululaataa waxay keentaa biyo yaraan, cunto yaraan, abaaro, kulayl iyo qabow xad-dhaaf ah, duufaanno, nabaad-guur, qax, dagaallo iyo musiibooyin kale; sidaa darteedna dalalka dunidu waa ay garwaaqsadeen; waxaana shirkii ugu horeeyay oo heer dawli ah loogana hadlayay isbeddelka cimilada lagu qabtay Geneva sanadkii 1979kii.


1988dii waxaa la aasaasay hay’adda caalamiga ah ee IPCC (Intergovernmental Panel on Climate Change). Ururkan oo ay shaqadiisu tahay cilmi baaris iyo diyaarinta war-bixinno ku aaddan isbeddelka cimilada ayaa waxaa ku bahoobay ilaa 194 dawladood, wuxuuna war-bixintiisii ugu horreeyay soo saaray sanadkii 1990.
Wixii dhiig lahow kaca haddii ay noqotayna; waxaa Qaramada Midoobay lagaga dhawaaqay urur-weyne u qaabilsan isbeddelka cimilada dunida sanadku markuu ahaa 1992. Ururkaas waxa ay summaddiisu tahay UNFCCC (United Nations Framework Convention on Climate Change). Intaas ka dib; ilaa iyo shirkii Paris 2015 ee looga arrinsanayay isbeddelka cimilada dunida, ma ayan yaran shirarkii, go’aammadii iyo ballan-qaadyadii la soo maray.
Waxaa kullammo kala gaddisan lagu kala qabtay Newyork 1990, Kyoto 1997, Bali 2007, Copenhagen 2009, Caucun 2010, Durban 2011, Doha 2012, Warsow 2013, iyo meelo kaleba. Muhimmadda ugu weyn oo baadi-goobka loogu jiro waa in la helo nidaam la isku wada raacsan yahay oo lagu xakamayn karo qiiqa iyo hawooyinka bani-aadamku sida xad-dhaafka ah ugu sii daynayo atmosfeerka si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara iyo musiibooyinka ay sababi karaan, in la helo biyo iyo cunto dadka iyo duunyadaba ku filan, in lala qabsado isbeddelka cimilada, in weliba goobaha ay musiibooyinku ka dhacaan gurmadyo ka hortag iyo ka kabashaba leh lala garab istaago , iyo in weliba waddamada horey u maray ay dhaqaale iyo tababbarraba ugu deeqaan waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo.


Ugu dambayntiina; waxaa shir-weynihii aadka loogu hanka weynaa ee lagu qabtay Paris Dec 2015 ka soo baxay qodobbo la oran karo waa wax ku ool haddii si daacad ah ay dhammaan dawladuhu isugu xilqaamaan fulintooda. Aragtidayda; qodobbadaas waxaa ugu muhiimsanaa isla qaadashada yaranta qiiqa iyo hawooyinka kharribaya cimilada si heer-kulka cimiladu uga yaraado 20C (oo uusan dhaafin 1.5 Degrees C).
Intaas ayaan ku soo koobaynaa waanna idiinka mahad celinaynaa akhristayaasha iyo dhammaan bahda boggan BOGGA WACYI GELINTA ISBEDDELKA CIMILIDA. Taladiinna iyo faalladiinuba waa muhiim.
Mahadsanidin.

AbdulAziiz Haji Bashiir
ikhyaar33@gmail.com

28 July 2016

BIYAHA



BIYAHA IYO FAA’IIDOOYINKOODA
Waa maxay biyo?
Biyuhu waa maaddo dareere ah islamarkaasna aan lahayn midab, dhadhan iyo urtoona. Biyuhu waxay kaloo noqdaan adke (solid) sida barafka iyo hawo (gas) sida uumi-biyoodka; waxayna ka samaysan yihiin molikuullo Haydrojiin (Hydrogen) iyo Oksijiin (Oxygen) ah.


Dhulka aynu ku noollahay (Earth) 71% waa biyo, kuwaas oo 97% ku sugan bad-weynada (Oceans); inta kale oo gaaraysa 3% waxaa laga helaa harooyinka (Lakes), webiyada, daruuraha biyaha xambaarsan, ceelasha, biyo qabatinnada dhulka hoostiisa (Aquifers), dhul-barafeedka iwm. Waxaana la caddeeyaa in 1% ay yihiin biyaha nooluhu heli karo si uu u daboolo baahidiisa isticmaalka biyaha.  Taas macnaheeda tusaale ahaan waxaa loo dhigi karaa sidan; haddii biyaha dhulka joogaa ay gaarayaan 100 litir; inta ku habboon (fresh water) isticmaalka noolaha kama badna qaaddo barkeed!!! Halkaas waxaan ka fahmi karnaa baahida loo qabo biyo inta ay le’eg tahay iyadoo biyaha arlada joogaa ay laba jibaar ka badan yihiin berriga.
Biyo Yaraanta Dunida
Biyo yaraan macnaheedu waa in meel laga waayo biyo ku filan baahida noolaha ku nool goobtaas. Taasna waxaa inta badan sababa:
v  Baahida loo qabo biyaha oo kororta ( too much demand); taas oo ay ugu wacan tahay kororka tirade dadka, kororka magaalooyinka, kororka wax-soo-saarka beeraha iyo warshadaha iwm
v  Iyo biyo ku filan baahidaas (not enough supply) oo aan oollin goobta; taasna ay ugu wacan tahay roob yaraan, abaaro, iyo ceelashii oo gura (wells run dry)
  
Baahida Biyaha Loo Qabo
Biyuhu nolosheenna muhiim ayay u yihiin; la’aantoodna nololi suurtagal ma ahan; waayo jirka bani-aadamka 75% waa biyo.
Haddaba si aan u ogaanno muhimmadda ay biyuhu inoo leeyihiin waxaan xusaynaa dhawr qodob oo muujinaya sababta biyaha ka dhigtay muhiim. Biyuhu waxaa ay jirka u qabtaan shaqooyinkan:
  • v  Qaboojinta jirka iyo dheellitirka heerkulka jirka gaar ahaan xilliga shaqada
  • v  Caawinta wareegga dhiigga (blood circulation)
  • v  Qoynta isgoysyada jirka (joints) si ay u fududaato habsami u socodka hawlaha jirka
  • v  Taageeridda habka dheef-shiidka (digestive)
  • v  Gudbinta nafaqada (nutrients) iyo Oksijiinta jirku u baahan yahay
  • v  Saaridda wasakhda, sunta iwm, iyo taageeridda mindhicirrada
Haddaba biyo la’aani waxa ay sababi kartaa  in gabi ahaanba shaqadii jirku ay istaagto. Sidaa darteedna waa in uu qofku maalin walbaa cabbo 6 ilaa 8  litir oo biyo ah si uu  u wanaagsanaado caafimaadkiisu. Biyo yaraantu ama cabbiddooda oo la yaraystaa dhibaatooyinka ay keeni karto waxaa ka mid ah caloosha oo adkaata (constipation), jirka oo qallala (dehydration), kaadida oo yaraata, muruqyada oo tabardarreeya, madax xanuun, wareer iwm.
Faa’iidooyinka Cabitaanka Biyaha




Lama koobi karo faa’iidooyinka biyuhu inoo leeyihiin waayo Ilaahay Subxaanahu Wa Tacaalaa ayaaba noolaha dhammaantiis ka abuuray biyo. Sidaa darteedna waa muhiim in biyaha si fiican loo cabbo si uu u hagaago caafimaadka qofku.
Haddaba qofkii caadaysta cabbitaanka biyaha waxaa uu helaa faa’iidooyin ay ka mid yihiin:

  • Muuqaal wanaagga jirkiisa

  •  Kororka tamarta (energy) jirkiisa

  • Xaddididda miisaankiisa (weight control)

  • Ka hortagga cudurrada iyo xoojinta habka difaaca jirkiisa (immune system)

  •  Iyo fayoobidda guud ahaan jirkiisa

Dhaqaalaynta Biyaha
Haddaba iyadoo ay biyuhu inagu yar yihiin, islamarkaasna kororka tirada dadka iyo horumarkuba ay sababaan baahi badan oo loo qabo isticmaalka biyaha; waxaa lagama maarmaan ah in biyaha la dhaqaaleeyo mar walba iyo meel walba.
Dadka dhaqaale ahaan ladan ayaa la sheegaa in ay biyaha six ad-dhaaf ah u isticmaalaan, taas oo la sheego in halkii qoys biyaha ay isticmaalaan ay ku filnaan karaan tobannaan qoys oo danyar ah. Meelaha ugu badan oo biyuhu ku dayacmaan islamarkaasna aan loo aabba-yeelin waxaa ugu horreeya guryaha; halkaas oo lagu isticmaalo in ka badan baahidii loo qabay biyaha. Sidoo kale waxaa biyo badan lagu khasaariyaa inta badan wax-soo-saarka beeraha, waraabinta jardiinooyinka (gardens) iyo weliba dhaqidda gawaarida.
Haddaba biyaha oo la dhaqaaleeyaa waxaa ku sugan faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin:
  • Waxaa nagu filnaada biyaha
  • Waxaa naga yaraada biilasha biyaha waxaana noo baaqanaya lacag
  • Waxaa yaraada cayayaan badan oo ka dhalan lahaa biyaha
  • Waxaa kordha caafimaadka deegaanka
  • Waxaa noo baaqanaya biyo badan oo aan wax kale ku qabsan karno

AbdulAziiz Hagi Bashiir
ikhyaar33@gmail.com

20 July 2016

ATMOSFEERKA DHULKA IYO ISBEDDELKA CIMILADA



ATMOSFEERKA DHULKA

Ilaahay Subxaanahu Wa Tacaalaa Wuxuu Fadligiisa iyo Naxariistiisa Awgeed ku dahaara ama ku wareejiyay dhulka xaddi badan oo hawo kala duwan iyo daruuro ah; si aan u helno cimilo nolol u saaxiib ah. Atmosfeerka la'aantiis heer-kulka dhulku wuxuu qiyaas ahaan gaari lahaa 30' ayuu ka hoosayn lahaa sida uu hadda yahay; taas oo ah qabow aan lagu noolaan karin.... ALXAMDU LILLAAH.



Fallaaraha qorraxdu markay ka soo gudbaan atmosfeerka oo ay soo gaaraan dhulka; dhulkuna kulka iyo tamarta uu u baahan yahay mooyee inta kale dib ayuu isaga celiyaa, laakiin nasiib wanaag atmosfeerka ayaa isbaaro u dhigta oo kala barna cirka u tuuro, halka uu barka kale isla dhulka dib ugu soo celiyo kana caawiyo dhaulka inuu mar walba yeesho kul iyo tamar u dhiganta qabowga badan; sidaas ayuuna miisaan xikmadaysan Ilaahay horey noogu diyaariyay...ALXAMDULILLAAH.

Haddaba wan fahmi karnaa in ay daruuruhu dhulka kulka ka imanaya ku celiyaan oo xilliyada roobka da'ayo cirkuna daruur jiq la yahay aan dareeemayno kulayl badan, su'aashuna waxay tahay: maxaan kul badan u dareennaa marka aysan daruuro joogin cirka, waddankuna uusan ahayn mid cimilo kululi ku badan tahay? Waa su'aal aad u fiican.

Jawaabtana waxaan ka helaynaa waxa hadda loo yaqaan ISBEDDELKA CIMILADA. Cunsurrada hawada ah ee loo yaqaan Greenhouse Gases oo ay ka amid yihiin CO2, Methane, iwm aayaa ayaguna waxay awood u leeyihin fallaaraha kulka ee dhulka ka imanaya (Long-wave Radiation) in ay qabsadaan, kala bar cirka u diraan, barka kalena dhulka ku celiyaan. Taasuna waa sababta aan kul u dareenno xilli aysan daruuro joogin xataa habeen ha ahaatee. 

Haddaba waxaa welwelka keenaya waa hawooyinka greenhouse gas-ka oo atmosfeerka ku sii badanay falal uu bani-aadamku samaynayo awgeed, taasoo ay ugu badan tahay shidaalka sida siyaadada ah loo isticmaalayo oo loo gubayo. Kolka waxaan fahmi karnaa in haddii uu bani-aadamku tiro ahaan sii bato, shidaalka tamar ahaanta loo isticmaalayaana uu siii badan doono; islamarkaasna karboonkuna hawada ku sii badan doono taas oo sababi doonta kulayl badan oo aan annagu isu keennay ee uusan Ilaahay nagu jirrabin. Kolka waa xaqiiqo in Ilaahay uusan addoomadiisa dulmin ee ay ayagu is-dulmaan.

AbdulAziiz Hagi Bashiir
ikhyaar33@gmail.com