TAARIIKH KOOBAN / Isbeddelka Cimilada
Aragtida ku aaddan isbeddelka
cimilada adduunka; taariikh ahaan waxay soo martay marxalado kala
geddisan. Ma ahayn wax mar qura iska shaacay, cilmi mar kaliya la
daah-furay ama tijaabooyin iska fudfududaa oo muddo kooban lagu ogaaday.
Waxay ahayd 1824kii kolkii ugu horraysay oo saynisyahannada ku
xeeldheer cimiladu ay dareemaan xawliga isbeddelka cimilada oo sii
kordhayay sanadba sanadka ka dambeeya; isla markaasna waxaa xilliyadii
ugu horreeyay bilawday hadal haynta ‘ISBEDDELKA CIMILADA’ iyo aafooyinka
ka dhalan kara.
Dadaallo badan iyo cilmi baarisyo dheeri ah ayaa
deedna lagu xaqiijiyay sanadku markuu ahaa 1861 in CO2 iyo H2O (
Kaarboon 2 Ogsayd iyo Uumi-biyood) ay qayb ka yihiin walxaha sababa
isbeddelka cimilada. Isla qarnigaasu intuusan dhammaanna waxaa kaloo
cilmi ahaan loo ogaaday in ay Atmosfeerka dhulkeennu ay ku sii
badanayaan hawooyin xaddi badan oo ka mid ahi uu bani-aadamku sababtooda
leeyahay. Hawooyinkaasu waxaa loogu magac-daray Greenhouse Gases (GHG)
waxayna caan ku noqdeen xannibaadda ama horjoogsiga kala-bar kulkii iyo
tamartii Dhulku uu dib isaga celiyay; taas oo keentay in uu heer-kulkii
Dhulka oo qarniyaal ku sugnaa xaalad caadi ah uu sare u sii kaco.
1938dii waxa ay saynisyahannadu ogaadeen in cunsurka CO2 uu yahay kan
ugu daran hawooyinka GHG-ka uuna gaarsiiyay heer-kulka dunida (Global
Temperature) 20C wax ku dhow.
Ilaa iyo 1970meeyadiina waxaa soo
shaac baxayay cunsurro kale oo ka mid ah hawooyinka GHG-ka ee
atmosfeerka ku sii badanaya. Sidoo kalena waxaa guul noqotay dejinta
hab-cilmiyeedyo lagu cabbiro xaddiga, cufka iyo weliba muddada ay
hawooyinkaasu atmosfeerka ku sugnaan karaan. Bogga Wacyi Gelinta
Isbeddelka Cimiladu wuxuu soo diyaarin doonaa mawduuc gaar ah oo ku
saabsan hawooyinka GHG-ka iyo saamaynta bani-aadamkaba haddii uu Eebbaha
Awoodda Lihi Oggolaado.
Cilmi baarisyada iyo xaqiijintii isbeddelka
cimilada dunida oo aad isu soo taraysay; ayaa waxaa ay gaartay heer aan
la dhayalsan Karin, indhahana laga qarsan Karin. Waxaa si dhab ah loo
ogaaday in ay tahay mushkilad weyn oo asiibi karta dal walba iyo degaan
walba, ha ahaado hodan ama ha ka mid ahaado dalalka loogu yeero ‘Dunida
Saddexaad’. Dunida oo sii kululaataa waxay keentaa biyo yaraan, cunto
yaraan, abaaro, kulayl iyo qabow xad-dhaaf ah, duufaanno, nabaad-guur,
qax, dagaallo iyo musiibooyin kale; sidaa darteedna dalalka dunidu waa
ay garwaaqsadeen; waxaana shirkii ugu horeeyay oo heer dawli ah loogana
hadlayay isbeddelka cimilada lagu qabtay Geneva sanadkii 1979kii.
1988dii waxaa la aasaasay hay’adda caalamiga ah ee IPCC
(Intergovernmental Panel on Climate Change). Ururkan oo ay shaqadiisu
tahay cilmi baaris iyo diyaarinta war-bixinno ku aaddan isbeddelka
cimilada ayaa waxaa ku bahoobay ilaa 194 dawladood, wuxuuna
war-bixintiisii ugu horreeyay soo saaray sanadkii 1990.
Wixii dhiig
lahow kaca haddii ay noqotayna; waxaa Qaramada Midoobay lagaga dhawaaqay
urur-weyne u qaabilsan isbeddelka cimilada dunida sanadku markuu ahaa
1992. Ururkaas waxa ay summaddiisu tahay UNFCCC (United Nations
Framework Convention on Climate Change). Intaas ka dib; ilaa iyo shirkii
Paris 2015 ee looga arrinsanayay isbeddelka cimilada dunida, ma ayan
yaran shirarkii, go’aammadii iyo ballan-qaadyadii la soo maray.
Waxaa kullammo kala gaddisan lagu kala qabtay Newyork 1990, Kyoto 1997,
Bali 2007, Copenhagen 2009, Caucun 2010, Durban 2011, Doha 2012, Warsow
2013, iyo meelo kaleba. Muhimmadda ugu weyn oo baadi-goobka loogu jiro
waa in la helo nidaam la isku wada raacsan yahay oo lagu xakamayn karo
qiiqa iyo hawooyinka bani-aadamku sida xad-dhaafka ah ugu sii daynayo
atmosfeerka si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara iyo musiibooyinka ay
sababi karaan, in la helo biyo iyo cunto dadka iyo duunyadaba ku filan,
in lala qabsado isbeddelka cimilada, in weliba goobaha ay musiibooyinku
ka dhacaan gurmadyo ka hortag iyo ka kabashaba leh lala garab istaago ,
iyo in weliba waddamada horey u maray ay dhaqaale iyo tababbarraba ugu
deeqaan waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo.
Ugu dambayntiina; waxaa
shir-weynihii aadka loogu hanka weynaa ee lagu qabtay Paris Dec 2015 ka
soo baxay qodobbo la oran karo waa wax ku ool haddii si daacad ah ay
dhammaan dawladuhu isugu xilqaamaan fulintooda. Aragtidayda;
qodobbadaas waxaa ugu muhiimsanaa isla qaadashada yaranta qiiqa iyo
hawooyinka kharribaya cimilada si heer-kulka cimiladu uga yaraado 20C
(oo uusan dhaafin 1.5 Degrees C).
Intaas ayaan ku soo koobaynaa waanna
idiinka mahad celinaynaa akhristayaasha iyo dhammaan bahda boggan BOGGA
WACYI GELINTA ISBEDDELKA CIMILIDA. Taladiinna iyo faalladiinuba waa
muhiim.
Mahadsanidin.
AbdulAziiz Haji Bashiir
ikhyaar33@gmail.com
The Casino at Charles Town Races - Mapyro
ReplyDeleteThe Casino at Charles Town Races locations, timings, contact details 경상남도 출장안마 and reviews 오산 출장안마 of 안산 출장마사지 all 745 문경 출장마사지 Casino 하남 출장샵 Ave S Charles Town Races in Chester,