BANI-AADAMKA IYO ISBEDDELKA CIMILADA
Khabiirro ku xeel-dheer culuumta sayniska iyo aqoon-yahanno
kale oo fara-badan ayaa in ku dhow laba qarni la socday sare u kaca heer-kulka
dunida iyo isbeddelka ku dhacay cimilada.
Waxay aad ugu mashquuleen sababaha keenay isbeddelkan xawliga ku socda
oo halis ku ah guud ahaan nolosha noolaha iyo deegaankaba. Nasiibdarrose; waxay
ogaadeen in ayan cimiladu iskeed isu beddelin ee uu bani-aadamku yahay cidda
mas’uulka ka ah inta badan isbeddelka cimilada.
Bani-aadamku waa noole si aad u xeel-dheer una xikmad badan
uu Ilaahay SW u abuuray. Waa noole caqli badan iyo hal-abuur mug-weyn lagu
mannaystay oo isbeddel ka samayn kara deegaankiisa. Waa noole ay u
suurta-gashay samaynta xadaarad, tadawur iyo horumar noole kale oo sameeyay
amaba hindisay uusan jirin. Bani-aadamku Waxaa uu xoogga saaray helidda tamarta(energy)
ugu habboon baahidiisa dhab walba oo nolosha ah, farsamada iyo qalabka ugu
wanaagsan (technology); si uu uga faa’iidaysto khayraadka (resource) sida aadka
ah u dihnaa ee dhulka aynu ku noollahay ceegaaga.
Shidaalka ceeriin (fossil fuel)
Bani-aadamku waxaa uu baahi weyn u
qabay tamar (energy ) si uu horumar uga sameeyo dhinacyo badan oo taabanaya
nolosha iyo adeegyada bulshadaba; isla markaasna uu u kordhiyo wax-soo-saarka
(production). Dadaal badan, har iyo
habeen hawl taagnayd, maskax iyo muruq aan lala kala harin; waxay aadamaha u
suurta-galisay heliddii tamartii ugu wacnayd (aragtidooda) ee uu gu’yaal badan
ku taamayay; taas oo noqotay shidaalka ceeriin ama batroolka (fossil fuel).
Waxaa la sheegaa in ay tamartani tahay kaarboon ka samaysmay haraagii noolayaal
iyo dhir beri hore dhimatay; kuna raagtay dhulka uurkiisa.
Teknoolojiyadda
(Technology)
Bani-aadamku waxaa uu caqligiisa
iyo hal-abuurkiisaba u adeegsaday horumarinta qalabka wax-soo-saarka si uu u
kordhiyo tirada iyo tayada wax-soo-saarka(quatntity/quality). Waxaa bilawday
warshado, gaadiid cir, dhul iyo badba leh, makiinado iyo qalab farabadan oo
sanadba sanadka ka dambeeya la sii casriyeeyo. Wax soo saarka oo qura ma ahane,
laan walba oo adeegyada bulshada kaalinteeda ka qaadataa; sida caafimaadka,
wax-barashada, dhismaha, ciidamada, isgaarsiinta (communication) iwm, waxaa loo
helay qalab casri ah oo fududeeya hawlaheeda. Taasuna waxay keentay in
qalabkaas oo idili u baahan yahay tamar uu ku shaqeeyo, sidaa darteedna waxaa
si aad ah u kordhay isticmaalka tamarta bani-aadamku u baahan yahay.
Dhibaatada Ka Dhalatay
Isticmaalka Shidaalka
Sida aynu horeyba u soo sheegnay;
shidaalka oo dhulka guntiisa laga soo saaro, ayaa waxaa ay aqoonyahannada ku
xeel-dheeri caddeeyeen in uu yahay kaarboon ka samaysmay haraagii nooleyaal iyo
dhir waa hore dhimatay. kolkala shidaalka tamar ahaan loo isticmaalo oo uu
gubto waxaa hawada gala qiiq farabadan; kaas oo u badan hawada CO2. Hawadani
aad ayay muhiim ugu tahay nolosha noolaha oo idil iyo deegaankaba;
islamarkaasna waxay qayb weyn ka qaadataa hab-neefsiga noolaha iyo dhirta;
berriga iyo badahaba.
Haddaba; isticmaalka xad-dhaafka
ah ee shidaalka macnihiisu waa kororka xad-dhaafka ah ee CO2ka, taas oo aad uga
badan baahidii loo qabay iyo intii isticmaalkiisa looga baahnaa. Dhibaatada
cabsida keentayna waxay tahay; CO2ka oo ah hawo ka mid ah hawooyinka loo yaqaan
Greenhouse Gases, marka ay atmosfeerka dhulka ku badato oo cuf yeelatana awoodi
karta in ay xannibto tamarta iyo kulka (long wave radiation)uu Dhulku dib ugu
celin jiray hawada sare; taasina ay sare u qaaddo heer-kulka guud ee Dhulka, taas
oo ayaduna keenta kulayl siyaado ah, nabaad-guur, dabaylo/duufaanno, dhul-barafeedkii
oo dhalaala, badihii oo kululaada joogga biyahooduna sare u kaco, xayawaan
badan (dad, duunyo iyo cayayaanba) oo le’da, iyo baro-kac ka dhasha abaaro,
biyo iyo cunto la’aanba.
Gabo-gabo
Kolka waxaan fahmi karnaa in
haddii uu bani-aadamku tiro ahaan sii bato, shidaalka tamar ahaanta loo
isticmaalayaana uu siii badan doono; islamarkaasna hawooyinka greenhouse
gases-ku hawada ku sii badan doonaan taas
oo sababi doonta kulayl badan oo aan annagu isu keennay ee uusan Ilaahay nagu
jirrabin. Waxaa ayaan-darro ah in caqligii badnaa iyo fariidnimadii uu Ilaahay
SW bani-aadamka ku mannaystay ay halis ku noqoto bani-aadamku qudhiisa,
xadaaraddiisa, horumarkiisa, inta la nool iyo deegaankiisaba. Kolka waa xaqiiqo
in Ilaahay uusan addoomadiisa dulmin ee ay ayagu is-dulmaan.
AbdulAziiz Hagi Bashiir
ikhyaar33@gmail.com
No comments:
Post a Comment